Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Jubaland oo soo xirey dood ku saabsan Qorshaha Daryeelka Bulshada

0
197
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Jubaland, Mudane Cabdi Cabdullaahi Raabi, ayaa soo xiray dood socotay muddo laba maalmood ah oo diiradda lagu saarayay Qorshaha Daryeelka Bulshada (Social Protection Strategy) ee Jubaland, kaas oo la qorsheynayo in lagu dhaqmo muddo shan sano ah (2025–2029).

Dooddan muhiimka ah oo lagu qabtay magaalada Kismaayo ayaa lagu falanqeeyay arrimaha la xiriira sidii loo dhisi lahaa hannaan waara oo daryeel bulsho ah, loogana jawaabi lahaa baahiyaha bulshada danyarta ah, dadka naafada ah, hooyooyinka danyarta iyo guud ahaan kooxaha nugul ee bulshada.
Agaasime Raabi ayaa uga mahadceliyay dhammaan ka qaybgalayaasha oo isugu jiray saraakiil ka kala socotay hay’adaha dowladda, kuwa caalamiga ah iyo daneeyayaasha kale doorkii ay ka qaateen talo-bixinta iyo fikirka wax-ku-oolka ah ee lagu darsaday qorshaha cusub. Waxa uu xusay in wada-tashigan uu muujinayo sida Jubaland ay uga go’an tahay horumarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta iskaashiga hay’adaha samafalka iyo kuwa dowliga ah.
Ugu dambayn, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Jubbaland Mudane Cabdi Cabdullaahi Raabi ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka go’an tahay in loo hirgeliyo qorshahan si hufan, iyadoo la ilaalinayo cadaalad, sinnaanta iyo ilaalinta xuquuqda dadka nugul ee bulshada.