Kullanka bilaha ee Wasaaradaha Caddaaladda iyo Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland oo diirada lagu saaray xoojinta wadashaqeynta hay’adaha amniga, caddaaladda, iyo bulshada rayidka ah

0
326
Wasaaradaha Caddaaladda iyo Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland ayaa  si wadajir ah magaalada Kismaayo uga qabtay kulankii shanaad ee bilaha ah ee looga hadlayay xoojinta wadashaqeynta hay’adaha amniga, caddaaladda, iyo bulshada rayidka ah qeybaheeda kala duwan.
Kulanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay: Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Amniga gudaha jubbaland, Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Kismaayo, Hoggaanka Boliska ee Nabadgelyada, Iyo wakiillo matalayay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ee Jubbaland.
Shirkaan oo ah madal furan oo dood-wadaag iyo is-xogwaraysi ah, ayaa diiradda lagu saaray arrimo ay kamid yihiin: Horumarinta isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta hay’adaha dowladda, Xoojinta kalsoonida bulshada ee laamaha amniga iyo garsoorka, Dardargelinta wada-shaqeynta hay’adaha caddaaladda iyo amniga, Iyo ka hortagga falalka amni-darrada iyo muqaadaraadka sharci darrada ah.
Intii uu kulanku socday, aya waxaa la isweydaarsaday su’aalo iyo talooyin wax-ku-ool ah oo ay bulshada rayidka ah si toos ah ugu gudbiyeen madaxda iyo saraakiisha ka socotay hay’adaha amniga iyo caddaaladda, kuwaasoo dhankooda soo bandhigay qorshayaal wax-ku-ool ah oo la xiriira horumarinta nabadgelyada iyo adeegyada cadaaladda.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland, Mudane Xareed Kilaas Cabdi, oo Madasha ka hadlay ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay qodobada muhiimka ah ee kulanka diiradda lagu saaray, isagoo muujiyay sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay in la dhiso xiriir toosan oo dhexmara shacabka iyo laamaha amniga.
Waxaa sidoo kale kulanka hadal muhiim ah ka jeediyay Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland oo hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in bulshada nugul ay helaan door muuqda oo ay ku yeeshaan geeddi-socodka siyaasadeed iyo amni ee deegaannada ay ku nool yihiin.
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland, Mudane Cabdiwali Xuseen Jaamac, ayaa kulanka ku tilmaamay mid muhiim ah oo lagu furfuranayo caqabadaha ka jira hay’adaha caddaaladda, isagoo si adag u xusay in bulshada rayidka ah laga doonayo inay la yimaadaan isla xisaabtan dhab ah oo ay la yeeshaan madaxda iyo hay’adaha dowladda.
Wasaaradaha Caddaaladda iyo Amniga Gudaha Jubbaland ayaa waxaa ka go’an xoojinta doorka bulshada ee ilaalinta nabadgelyada, kobcinta caddaaladda, iyo dhiirrigelinta is-fahamka iyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo shacabka.