
Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ka daahfurtay Madasha Furdooyinka Ganacsatada iyo Gaadiidleyda Jubbaland.
Madashan ayaa loogu talagalay in lagu dhiirrigeliyo ka qaybgalka ganacsatada iyo mulkiilayaasha gaadiidka ee ka howlgala gudaha Jubbaland, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo horumarinta adeegyada kastamka iyo nidaamka canshuuraha.
Kulanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jubbaland, Mudane Axmed Cabdirisaaq Maxamed Handal, Agaasimaha guud ee wasaaradda, Agaasimaha Dakhliga, Agaasimaha Kastamka, ganacsato ka socday Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland, mulkiilayaasha gaadiidka, iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay madasha.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Jubbaland Mudane Nuur Shaale, ayaa dhankiisa xusay in ganacsatada reer Jubbaland ay tahay inay la jaanqaadaan koboca dhaqaale ee gobolka, ganacsigoodana la xiriiriyaan suuqyada Bariga Afrika si sare loogu qaado dakhliga Jubbaland.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Cabdirisaaq Maxamed Handal oo kulanka ka hadlay ayaa hoosta ka xarriiqay in wasaaraddu ka go’an tahay hirgelinta adeegyo casri ah oo la xiriira furdooyinka, si loo gaaro isku xirnaan ganacsi oo ballaaran, loona yareeyo caqabadaha hortaagan ganacsatada. Wuxuu ugu baaqay ganacsatada inay si buuxda uga faa’iideystaan fursadaha cusub ee la abuurayo, talooyin wax ku ool ahna ay ku darsadaan horumarinta nidaamka kastamka.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)









