Wasaaradda Shaqada Jubbaland oo Bilaawday Tababar Lagu Taageerayo Isku-filnaanshaha Bulshada

0
211
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubbaland, Mudane Cabdi Cabdulaahi Raabi ayaa daah-furay tababar loo qabtay qaar kamid ah howl-wadeenada wasaaradaha iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.
Aqoon kororsigaan oo ay soo qaban-qaabisay Ha’adda Cilmi-baarista ee Task Bridge fadhigeeduna uu yahay Jubaland ayaa socon doono muddo 5 maalin ah, waxaana xooga lagu saari doonaa waciyi-galinta bulshada iyo sidii ay isku filnaansho dhinaca nolosha ah u samaysan lahaayeen.