
Ciidanka halyeeyada Dowladda Jubbaland, gaar ahaan Guutada 2-aad ee Daraawiishta oo uu hoggaamiyo Gaashaanle Sare Maxamuud Cabdi Ciil-Mooge, ayaa howlgallo qorshaysan ka fuliyay deegaannada Miido, Biibi iyo dhulka howdka ah ee gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalladan oo si xeel dheer loo qorsheeyay ayaa ujeedkiisu ahaa xaqiijinta ammaanka guud ee deegaannadaas, waxaana lagu guuleystay in laga hortago khatar kasta oo amni-darro keeni karta, gaar ahaan falalka kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab.
Intii uu socday howlgalka, ciidamada Daraawiishta ayaa ku guuleystay inay burburiyaan fariisimo ay argagixisadu ku lahaayeen howdka Jubbada Hoose, kuwaas oo aragixisadu qorsheynaysay in ay kasoo abaabulaan weeraro ay ku dhibaateeyaan shacabka.
Gaashaanle Sare Ciil-Mooge oo la hadlay warbaahinta kadib howlgalka ayaa sheegay in howlgalladu ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo in dhammaan deegaannadaasi ay noqdaan kuwo ka caagan halista kooxaha nabad-diidka ah.
Ugu danbayn taliyaha wuxuu ayaa xusay in iskaashi buuxa uu ka dhaxeeyo ciidamada iyo shacabka deegaanka aya fududeysay helidda xogaha muhiimka ah ee horseeday guulaha laga gaaro howlgallada.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







