
aqoon-isweydaarsi iyo wadatashi muhiim ah oo ku saabsan Qabyo-qoraalka Hindise-sharciyeedka Xuquuqda Caruurta.
Aqoon-isweydaarsigan oo ay si rasmi ah u furtay Agaasinaha Guud ee Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland, Marwo Miski Yussuf ayeey ujeeddadiisu ahayd in la helo tallooyin iyo fikrado kala duwan oo lagu kobcinayo sharcigan mustaqbalka, waxaana ka qayb qalay xubno ka socday hay’adaha dawladda, ururada bulshada rayidka ah, culumaa’uddiinka iyo waalidiin.
Intii uu socday kulanku, ka qaybgalayaasha waxay si qoto-dheer uga doodeen qodobada ku jira qabyo-qoraalka, iyagoo iska xog-wareystay sidii loo xaqiijin lahaa ilaalinta iyo dhowridda xuquuqda aasaasiga ah ee carruurta Jubbaland.
Wasaaraddu waxay hoosta ka xariiqday muhiimadda ay leedahay in la sameeyo sharci dhammaystiran oo waafaqsan baahiyaha carruurta Soomaaliyeed, isla markaana ilaalinaya mustaqbalkooda. Waxaa si gaar ah looga hadlay qodobbada la xiriira waxbarashada, caafimaadka, badbaadada iyo ka hortagga xadgudubyada ka dhanka ah carruurta.
Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Jubbaland waxay uga mahadcelinaysaa dhammaan intii ka soo qayb gashay aqoon-isweydaarsigan muhiimka ah. Tallalooyinka iyo fikradaha la isku dhaafsday ayaa ah kuwo wax weyn ku soo kordhinaya dhammaystirka hindise-sharciyeedkan oo miro dhal u noqon doona carruurta Jubbaland.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







