Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland oo mashruuc cusub ka daah furtay Kismaayo

42
Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ka daah-furtay Mashruuca Horumarinta Nabadeynta iyo Dowlad-dhiska dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada Jubbaland.
Mashruucan ayaa loogu talagalay inay ka faa’iideystaan ilaa 180 dhalinyaro oo isugu jira wiilal iyo gabdho, Waxa uu socon doonaa muddo laba sano ah, iyadoo toddobo bilood lagu bari doono ka faa’iidaystayaasha wada hadalka si loo soo saaro dhalinyaro hogaamiyaal ah oo ka qaybqaata Nabadda iyo isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed.
Munaasabadda daah-furka mashruucan ayaa waxaa kasoo qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, xubno kale oo ka tirsan Golaha Wasiirrada Jubbaland, Xildhibaanno, Agaasimayaal, Ururrada Haweenka, Dhalinyarada, Odayaasha dhaqanka, iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku nool magaalada Kismaayo.