Tababar looga hadlayo Xuquuql Insaanka Jubbaland oo Kismaayo lagu qabtay

1233

Wasaaradda Haweenka xuquuqul Insaanka iyo arrimaha Qoyska Jubbaland ayaa qabatay Tababar lagu baranayay xuquuqda aadanaha iyo ka hortagga tacadiyada ka dhanka ah bini’aadamka.

Sidoo kale Tababarkaan ayaa lagu baranayaa isdhex galka shaqaalaha Wasaaradaha dowlad goboleedka Jubbaland iyo sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda shaqaalaha.

Tababarkan oo socon doona muddo labo maalmoood ah ayaa waxaa daahfuray Wasiirka Wasaaradda Haweenka xuquuqul Insaanka iyo arrimaha Qoyska Jubbaland Marwo Qamar Deeq Xaaji Khaliif.

Tababarkaan oo ay bixinayaan Macalimiin ku xeel dheer aqoon durugsanna u leh arrimaha xuquuqul Insaanka ayaa waxaa ka faa’iideystay 40 Qof oo ka socda shaqaalaha Wasaaradaha Jubbaland gaar ahaan Wasaaradaha Cadaaladda,Dhalinyarada,Caafimaadka iyo arrimaha gudaha.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka,xuquuqul Insaanka iyo arrimaha Qoyska Jubbaland Marwo Qamar Deeq Xaaji Khaliif oo daah furtay tababarkaan ayaa sheegtay in dhamaadka kulankaan laga soo saari doono qodobo lagu lagu meel marin doono xuquuqul Insaanka Jubbaland kuwaas oo la horgeyn doono labada Golle ee Jubbaland