Masuuliyiin ka socota Wasaaradda Beeraha oo kormeer ku tagay mashaariic ay Wasaaraddu ka fulisay Deegaannada dhaca Waqooyiga Kismaayo

0
332

Masuuliyiin ka socday Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay mashaariic ay Wasaaraddu ka fulisay Deegaannada dhaca Waqooyiga Magaalada Kismaayo.

 

Wafdigan, oo uu hoggaaminayey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha, Mudane Ugaas Cali Sonkor, ayna wehelinayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Maxamed Xuseen Maxamed, ayaa kormeer iyo qiimayn ku sameeyey kanaallo cusub iyo kuwa horey Wasaaraddu uga hirgelisay Deegaannada Buulo-Guduud, Yoontoy, Xaaji-Wayne, iyo Qaam-Qaam.

 

Intii uu socday kormeerkan, masuuliyiintu waxay la kulmeen iskaashatooyinka iyo beeraleyda Deegaannada Waqooyiga Kismaayo, Waxay beeraleyda kala hadleen horumarka iyo caqabadaha ka haysta tacbashada beeraha, iyagoo dhageystay talooyinka iyo baahiyaha beeraleydu qaban.