Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland oo Daahfurtay Mashruuca Ugbaad

44
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay mashruuca Ugbaad kaas oo ah mid lagu horumarinayo wax-soosaarka beeraleyda iyo abuurista nidaam casri ah oo lagu kobcinayo tacabka.
Mashruucan, oo ay qayb ka yihiin hay’adaha caalami ah, ayaa waxaa lagu wadaa in uu wax weyn ka beddelo tabcashada beeraleyda Jubbaland.
Kulankan waxaa kaso qayb galay Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Jubaland Geelle Muxumad Aadan Agaasimaha guud ee wasaarada Wakilo ka socda hay’adaha caalamiga iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda.
Mashruuca Ugbaad ayaa la filayaa in uu wax weyn ka tari doono kor u qaadista wax-soosaarka beeraha, iyada oo beeraleydu heli doonaan taageero farsamo iyo mid dhaqaale.
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dowladda Jubbaland ayaa sheegay in mashruucan uu yahay mid waxtar u leh yareynta saameynta ay isbeddelka cimiladu ku yeelato beeraha, isla markaana uu horseedi doono horumar waara.
Mashruucan ayaa xooga saari doona sidii loo horumarin lahaa hababka waraabka, loona kordhin lahaa wax-soosaarka, taasoo gacan ka geysan doonta yareynta gaajada iyo kobcinta dhaqaalaha deegaanka.