Wasiirka Caafimaadka Jubaland Oo Kismaayo Ka Daah-furay Xiritaanka iyo Wareejinta Mashruuca Better Lives ee Gobolka Gedo

0
107
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubaland Mudane Ismaaciil Axmed Garas ayaa  magaalada Kismaayo ka daah-furay munaasabadda xiritaanka iyo wareejinta (Closure and Handover Event) ee Better Lives Program, oo ay maalgelinayeen UNICEF iyo UK Aid, isla markaana ay fulinaysay hay’adda Trocaire. Munaasabaddan ayaa lagu soo xiray mashruucii Better Lives ee ka socday degmooyinka Gobolka Gedo.
Mashruucan ayaa tan iyo sannadkii 2023 taageero muhiim ah siinayay xarumaha caafimaadka iyo isbitaallada degmooyinka gobolka, isagoo gacan weyn ka geystay xoojinta adeegyada caafimaadka iyo kor u qaadista tayada daryeelka bulshada.
Munaasabadda waxaa kasoo qayb galay Agaasimaha Guud Ee wasaarada caafimaadka dowlada Jubaland Mudane Maxamed xuseen maxamed, qaar kamid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka Jubaland, Isku-duwaha Caafimaadka Gobolka Gedo Dr. Axmed Kaafi Ibraahim, madax ka socotay hay’adaha UNICEF iyo Trocaire, iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan wasaaradda. Intii ay munaasabaddu socotay ayaa dib-u-eegis lagu sameeyay guulihii la gaaray iyo saameyntii wanaagsaneyd ee uu barnaamijku ku yeeshay bulshada.
Wasiirka ayaa saxiixay la wareegidda dhammaan agabyadii, qalabkii iyo daawooyinkii ay xarumaha caafimaadka ku taageeraysay muddadii uu mashruucu socday. Sidoo kale, hay’adda Trocaire ayaa munaasabadda ku sheegtay inay sii wadi doonto taageerada adeegyada caafimaadka ee degmooyinka Garbahaarey, Luuq, Beledxaawo iyo Doolow, iyadoo taageero ka heli doonta FCDO–UK Aid.
Munaasabaddu waxay ahayd mid lagu muujiyay guulaha la gaaray iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee u dhexeeya Wasaaradda Caafimaadka Jubaland, hay’adaha taageerada bixiya iyo bahwadaagta kale ee ka shaqeeya horumarinta adeegyada caafimaadka, si loo xaqiijiyo adeeg caafimaad oo waara oo gaara bulshada ku nool Gobolka Gedo.