Mudanayaasha Golaha wakiilada Dowladda Jubbaland oo markale dood ka yeeshay Xeerka Mamnuucida Naafeynta Xubnaha Taranka Dumarka

25
Golaha Wakiilada Dowladda Jubbaland ayaa  yeeshay kulan looga hadlayay dib u eegista Xeerka Mamnuucida Naafeynta Xubnaha Taranka Dumarka oo horay gollaha ay ugu soo gudbisay Wasaaradda Haweenka Arimaha qosyka iyo Xuquuqul insaanka Dowlada Jubbaland.
Kulanka ayaa waxaa Shir gudoominayey Gudoomiyaha Gollaha Wakiilada Jubbaland Sheekh Cabdi Maxaned Cabdiraxman iyo labadiisa ku xigeen ayadoo Mudanayaasha kulanka joogay ay ahaayeen ilaa 44 Mudane.
Xildhibaanada ayaa dood dheer ka yeeshay Xeerka Mamnucidda Naafeynta Xubnaha taranka Dumarka si ay wax kabadal iyo ku darid ugu sameeyaan.
Mudanayaasha kulanka ka hadlay ayaa aragtiyo kala duwan ka dhiibtay Xeerkaan ayagoo sheegay in ay ubaahan yihiin waqti ay kusoo aqriyaan si ay u saxaan waxyaabaha ay is leeyihiin wuu u baahan yahay wax ka badal.
Xeerkaan ayaa hadii Baarlamaanka Jubbaland ay ansixiyaan waxa uu noqon doonaa siyaasad lagu hago Mustaqbalka Haweenka iyo Caruurta dhadiga ah ee reer Jubbaland.