Ciidamada geesiyada Jubbaland iyo Kumaandooska Danab oo Weerar Ku Qaaday Dhufaysyada Khawaarijta ee Beer-Xaani

47

Ciidamada halyeeda dowladda Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee Kumaandooska Danab ayaa  udaatay godad ay gabbaad ka dhiganayeen kooxda khawaarijta, kuwaas oo ku yaalay duleedka Beer-Xaani.

Ciidanka ayaa saddex jiho ka weeraray dhufaysyada kooxda, waxayna kala eryeen maleeshiyaadka.

Ciidamada Dowalada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ayaa sidoo kale ka afmeereeyay dhufaysyo iyo godad ay kooxda ka samaysatay agagaarka deegaanka.

Taliyayaasha hoggaaminayay howlgalka ayaa warbaahinta u sheegay in halyeeyada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ay go’aan ka gaareen in ay si buuxda uga hortagaan kooxda khawaarijtaargagixisada naflacaariga ah , taas oo dhibaatada ku haysa nabadda dalka.”