Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqda Aadanaha ee Jubbaland ayaa maanta Magaalada Kismaayo ku qabatay Munaasabad ballaaran oo lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Gudniinka Fircooniga, oo Sannad walba loo dabaaldego 6-da Febraayo.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay Golaha Wakiilada Jubbaland, hoggaanka Ururrada haweenka heer Gobol iyo Degmado, hay’adaha taageera arrimaha haweenka, iyo qaybaha kala duwan ee haweenka Magaalada Kismaayo.
Kusimaha Agaasimaha Wasaaradda Haweenka, ahna Agaasimaha Waaxda Carruurta iyo Arrimaha Qoyska, Cabdiqaadir Cabdi Yare, ayaa munaasabadda si rasmi ah u furay, Isagoo hadal kooban ka jeediyay, ayuu ku nuuxnuuxsaday muhiimadda wacyigelinta bulshada si loo joojiyo Gudniinka fircooniga ah.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Degmada Kismaayo, Faadumo Maxamed Cabdi, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Bulshada Rayidka, JUNSA Faadumo Cali Aadan, ayaa madasha ka jeediyay khudbado ku saabsan dhibaatada uu Gudniinka fircooniga ah ku hayo haweenka iyo doorka ay bulshada ku leedahay ciribtirkiisa.
Sidoo kale, xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilada Jubbaland ayaa si adag uga hadlay saameynta taban ee dhaqankan, iyagoo ku booriyay dhammaan bulshada inay qaataan doorkooda ka hortagga gudniinka fircooniga ah.
Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Jubbaland, Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed, ayaa soo xiray munaasabadda, isagoo carabka ku adkeeyay in Jubbaland ay ka go’an tahay la dagaallanka dhaqamada waxyeellada leh ee saameeya caafimaadka iyo xuquuqda haweenka.
Munaasabaddan ayaa qeyb ka ahayd dadaallada Wasaaradda Haweenka ee lagu hormarinayo xuquuqda haweenka iyo kor u qaadista wacyiga bulshada.