Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Jubbaland iyo xubno ka mid ah Xiriirka Kubadda Cagta Jubbaland ayaa booqday Deegaanka Qaam-Qaam ee Waqooyiga Kismaayo.
Booqashadan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa lagu muujinayay nabadda iyo amniga deegaankaasi ka jirta.
Booqashadan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa lagu muujinayay nabadda iyo amniga deegaankaasi ka jirta.
Masuuliyiinta ayaa sidoo kale daawaday ciyaar xiiso leh oo dhex martay kooxo ka socday Kismaayo iyo Qaam-Qaam, iyadoo Xulka Qaam-Qaam uu guuleystay.
Ciyaarta kadib, mas’uuliyiinta iyo shacabka deegaanka ayaa si wadajir ah halkaasi ugu casheeyay, taasoo muujisay isku xirnaanta madaxda iyo shacabka reer Jubbaland.
Safarkaan iyo ciyaarta xilliga habeenimada ah lagu qabtay Deegaanka Qaam-Qaam ayaa muujinaya nabadda iyo amniga ka jira deegaanada Dowladda Jubbaland.
Safarkaan iyo ciyaarta xilliga habeenimada ah lagu qabtay Deegaanka Qaam-Qaam ayaa muujinaya nabadda iyo amniga ka jira deegaanada Dowladda Jubbaland.