Masuuliyiin katirsan dowladda Jubbaland ayaa kormeer shaqo ku tagay deegaanka Yoontoy ee Waqooyiga Magaalada Kismaayo, halkaas oo ay ka socdaan mashaariic horumarineed oo uu ugu weyn yahay Mashruuca Biyo gelinta Magaalada Kismaayo.
Kormeerkan waxaa hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Jubbaland, Guddoomiyaha Degmada Kismaayo, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda Jubbaland.
Madaxda ayaa indha-indhayn ku sameeyay mashaariic kala duwan oo horumarineed oo ka socda deegaanka Yoontoy, iyagoo si gaar ah u eegay horumarka mashruuca Biyo gelinta Magaalada Kismaayo oo muhiimad weyn u leh bulshada Deegaanka.
Masuuliyiinta ayaa bogaadiyay injineerrada iyo shaqaalaha gacanta ku haya mashaariicda, waxayna ku ammaaneen dadaalka ay u hayaan horumarinta adeegyada asaasiga ah ee bulshada.
Mashruuca biyo gelinta Kismaayo ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo wax ka tari doona baahiyaha biyaha ee magaalada, iyadoo qayb ka ah qorshaha guud ee horumarinta kaabayaasha nololeed ee Dawladda Jubbaland.