Golaha Wakiiladda Jubbaland oo ansixiyay codsi ka yimid madaxwaynaha Jubbaland

28

Golaha Wakiiladda Dowllada Jubbaland oo maanta yeeshay fadhigooda 1-aad fadhigisii shanaad ayaa maanta la horkeenay laba ajande.

Xildhibaanada maanta soo xaadiray Kooramka Fadhiga ayaa waxaa gaadhayeen 61 xildhibaan.

Ajandaha 1-aad ee maanta gudoonka Golaha wakiiladda dowllada Jubbaland u qaybiyey ayaa waxaa uu ahaa mudo kordhin loo sameeyey mudada uu madaxwaynaha dowlladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam uu ku soo dhisaayo xukumad cusub.

Ajandaha labaad ee Golaha wakiilada la horgeeyey ayaa waxaa uu ahaa xeer hoosaadka Golaha wakiillada dowllada Jubbaland oo dib u eegis lagu sameeyey Taas oo fadhigii maanta golaha wakiilada loogu qaybiyey.

Mudanayaasha kullanka Joogay oo ahaa 61 mudane ayaa hab gacan tag ah ugu codeeyey muda cusub ee loo ogolaaday madaxwaynaha dowllada Jubbaland in uu ku soo dhiso Golaha xukuumada dowllada Jubbaland.

Gudoomiyaha Golaha wakiiladda dowllada Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdirahmaan ayaa ku dhawaaqay inta xildhibaan ee ogolaatay mudada cusub ee madaxwaynaha uu ku soo dhisaayo xukumadda cusub.