Maleeshiyaad fara taag ka amar qaata oo odayaal ku xirey Garbahaarey

39

Odayaasha dhaqanka degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo, oo shalay iska diiday khalkhal galinta amni ee Xasan Sheikh iyo kooxdiisu ay ka wadaan gobolka Gedo, isla markaasna warbaahinta la hadlay, ayaa galabta la xiray.

Maleeshiyaad uu soo diray Fartaag, oo wakiil ka ah Xasan Sheikh, ayaa odayaasha xiray, taas oo ah talaabo kale oo lagu dhibaateynayo dadka waxgaradka ah ee iska diiday dagaalka iyo Colaada uu Xasan Sheikh Gobolka ka hurinayo.