Wasiirada Wasaaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Qorshaynta oo kulan mirro dhal ah la qaatay Safiir ku-xigeenka Safaaradda Canada iyo Xoghayaha koowaad ee Safaaradda

24
Wasiirada Wasaaaradaha Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta, Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ayaa maanta kulan mirro dhal ah la qaatay Safiir ku-xigeenka Safaaradda Canada iyo Xoghayaha koowaad ee Safaaradda.
Wasiirada ayaa Safiirka warbixin ka siiyey xaaladda Siyaasadda iyo Amniga Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland, iyagoo sheegay inay ka xunyihiin arrintii ka dhacday Raskoombooni oo niyad jab ku keentay Shacabka Soomaaliyeed iyo Wakiilada Caalamka oo dedaal dheer ku bixiyey geedigga Dowlad Dhiska Soomaaliya.
Wasiirada oo Farriin iyo Dhambaal ka waday Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa u xaqiijiyey Safiirka in Jubbaland ay mar walba diyaar u tahay wada-hadalada iyo nabadda, taas oo laf dhabar u ah Dowlad Dhiska Soomaaliya, Safiirka ayaa soo dhaweeyay farriintaas.
Ugu danbeyntii, Wasiirada ayaa uga mahadceliyay Dowladda Canada doorka shariifka ah ee ay ka qaadatay Dowlad Dhiska Soomaaliya.