Shacabka Afmadow oo taageeray dib udoorashada Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam .

26
Dagmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose ayaa lagu qabtay munaasabad ballaaran oo lagu taageerayo madaxwaynaha la doortay ee dowladda Jubbbaland Axmed Maxamed Islam oo shalay loo dhaariyay Jubbaland.
Munaasibadan ayaa waxa ka soo qayb galay maamulka dowlada hoose, Odeyaasha dhaqanka, Ururada Haweenka iyo dhammaan Ururada bulshada qaybahooda kala duwan.
Munaasabaddan ayaa daarnayd soo dhowayn hambalyo iyo bogaadin lagu taageerayo madaxwaynaha cusub ee dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islam.