Xildhibaan Xidig Xassan sheikh dowladnimada ayuu dib ucelinayaa

89
Bismilaah:
Mar hadii shuruucdii Dalka la xurmeyn waayay,
Qof walibana hortaa furan u dhaqaaqay,
Waxaa muuqata in Dowladnimadii lasoo Kakabayay ilaa 2000,rajo fiicana laga qabay inay hada hanaqaado ay siqiirtay:
Talaabooyinka Qar iska tuurnimada ee Cadhada iyo isir nacaybka ku saleysan ee ka soo baxaya Taliska Muqdisho waxaa muuqata inay Dalka u dhaqaajiyeen jiho aanay ka fiirsan. Ayna
Dhaan Dabagaale Biyo moodeen,
Meesha maanta xaalku marayo Waxaa adag in Dowladnimada Dib loogu soo celiyo wadadii rafka ahayd ee lagu luudinayay ilaa 2000 dadka Soomaaliyeedna ay rajada ka qabeen:
Guud ahaan Dowladaha Puntland, Jubaland iyo Khaatumo iyo Shacabka ku abtirsada Waxaan usoo jeedinayaa in dareenkoodu soo jeedo una diyaar garoobaan badbaadinta Dalkooda, Dadkooda, Cirdigooda iyo Dowladnimadooda,
Laguna khaldin Jaakad Dowladeed oo Qabiileysan:
Raaskamboni: Waxaa la geeyay Ciidamo laga soo xulay Gobolada Shabelada dhexe, Hiiraan iyo Shabeelada hoose,
Waxaan hubaa Kuwa la geeyay Raskamponi iyo kuwa geeyay in midkoodna uusan aqoonin Raskamponi,
Kuwa geeyay wiilashaas soomaaliyeed ee dariiska Qaranka xidhan waxaan u sheegayaa hadaad taqaanaan Raskamponi maydaan geyseen wiilashaas soomaaliyeed inaad naftooda ku khamaartaana waa laydin kula xisaab tami xiligeeda,
Waxay qabtaan iska daayee iyaga hala badbaadiyo
Waxaan hubaa inaad dhibsaneysaan qoraalkan balse Maalin aan maanta ahayn ayaad guran doontaan midhaha kasoo baxa Raskamponi:
Dowlada iyo Ciidamada jubaland marna diyaar uma aha inay Xabad ku ridaan wiilashaas badbaadada u baahan maalmaha ay ku sugnaan doonaan Raskamponina way koobnaan doonaan IA:
Intaas kadib
Waxaan bogaadinayaa maxkamada Darajada 1aad ee Degmada Kismaayo Dowlada Jubaland ee soo saartay waaran Soo qabasho eedaysane Xassan Sheekh Maxamuud.
W/Q Xildhibaan Cabdirashiid Xidig