Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo daah-furay qorshe caafimaad oo caruurta loogu tala galay .

84
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland Axmed Ismaaciil Garas ayaa daah-furay wajiga labaad ee qorshaha kadabatagista caruurta ka yar shanta sano ee aan qaadan ama dhameysanin talaalka.
Kulanka daah-furka oo ka qabsoomay xarunta Wasaradda Cafimaadka Jubaland ayaa waxaa kaso qeyb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland Xuseen Macalin Cali, qaar ka mid ah bahda Wasaradda Caafimaadka iyo Hay’adaha saaxiibka dhow la’ah Wasaarada Caafimaadka.