Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose, Col. Sadik Mohamud Dhogor ayaa saraakiil sare oo ka socota Howlgalka Nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ee magaciisa loo soo gaabiyo ATMIS la qaatay kulan la xiriira sugidda amniga doorashooyinka Jubbaland, maadama lagu wado in la qabto maalmaha soo socda doorashada heerar keeda kala duwan ee Madaxweynaha iyo Baarlamaanka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saarayay sugidda iyo xaqiijinta amniga goobta doorashada ka dhaceyso, ayadoo la isku afgartay in la xoojiyo wada shaqeynta labada dhinac.