
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaraalka iyo dib u Heshiisiinta Dowladda Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay kulanka wacyi galinta Nabadeynta iyo Xasiloonida Jubbaland.
Kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha, Wasiir kuxigeenka Cadaaladda, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, Gudoomiyaha degmada Kismaayo, Gudoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada maamulka degmada Kismaayo, maamulka gobolka Jubada hoose, Agaasimiyaal iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Kulankan ayaa daarnaa muujinta nabadda, amniga iyo xasilooniada ka jirta deegaanada Dowladda Jubbaland.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







