
Kismaayo, Jubbaland – Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Dowladda Jubbaland, oo kaashanaysa ururada haweenka ee Gobolka Jubada Hoose iyo degmada Kismaayo, ayaa maanta qabatay kulanka taageerada magacaabista Guddi Madaxbannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland.
Munaasabadda, oo ka dhacday magaalada Kismaayo, ayaa lagu taageeray magacaabista guddigan cusub, waxaana ka soo qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Marwo Cadar Ismaaciil Cabdullaahi, iyo hogaamiyaasha ururada haweenka ee Jubada Hoose iyo Kismaayo.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay ilaalinta iyo ku dhaqanka Dastuurka Jubbaland iyo Dastuurka KMG ah ee dalka, si loo hubiyo nabadgalyada iyo xasiloonida gobolka.
Haldoorka haweenka ee kulanka ka hadlay ayaa muujiyay sida ay ugu heelan yihiin nabadda iyo xasilloonida Jubbaland, iyaga oo ku booriyay in si wadajir ah loo ilaaliyo xaaladda amni ee deegaanada gobolka.
Markii uu kulanka soo idlaaday, haweenka horkacayo Wasiirka Wasaaradda Haweenka ayaa sameeyay socod isugu jira taageero iyo muujin ay ku taageerayaan magacaabista guddiga cusub, iyaga oo sita astaamo muujinaya isu imaatinkooda iyo rabitaankooda ku aaddan xasilloonida iyo horumarka Jubbaland.










