Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa Aqal ku matala Dowladda Jubbaland,oo soo gaaray Magaalada Kismaayo

52
Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowladda Jubbaland waxaa maanta soo gaaray inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa Aqal ku matala Dowladda Jubbaland, kuwaas oo bilowga todobaadka soo socda ka qeyb galaya kulan wadatashi ah oo uu ku casuumay Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam
Xildhibaanada maanta yimid waxaa garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xassan kuso dhaweeyay masuuliyiin uu horkacayay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo xubno kale oo muhiim ah.