Dowladda hoose ee degmada Kismaayo oo daahfurtay Nidaamka Dhijitaalka ah ee Dad dhigista mideysan

61
Dowladda hoose ee degmada Kismaayo oo kaashanaysa Wasaaradda Arimaha gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Dowladda Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah magaalada Kismaayo uga daah-furay Nidaamka Dhijitaalka ah ee Dad dhigista mideysan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Nidaamka Dad-dhigista ayaa ah barnaamij muhiim u ah qeybaha kala duwan ee bulshada, waana mid ka caawinaya muwaadin walba oo u baahda in uu qaato Baasaboorka, aqoonsiyada kale sida maalinlaha ah loo qaato iyo kuwo kale oo muhiim ah.
Daah-furka Nidaamka Dhijitaalka ah ee Dad-dhigista mideysan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kismaayo laga daah-furay waa mid Wasaaradda Arimaha gudaha XFS ay ka wado guud ahaan dalka iyada oo kaashanaysa Wasaaradaha Arimaha Gudaha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Daah-furka nidaamka Dad-dhigista waxaa kasoo qeyb galay Gudoomiye kuxigeenka Arimaha Bulshada degmada Kismaayo, xubno kasocday Wasaaradda Arimaha Gudaha Jubbaland, xubno sar-sare oo kasocday Dowladda hoose ee degmada Kismaayo.