Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jubbaland oo furey kullanka wadatashiga istaraatiijiyadda bahda cadaaladda

103
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jubbaland Garyaqaan Sheekh Cabdishakuur Sheekh Maxamed Rashiid oo uu wehliyo Wasiirka wasaarada Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland mudane Cabdiwali Xuseen Jaamac iyo Xeer Ilaaliye Kuxigeenka Guud ee Jubbaland mudane Ahmed Nuur iyo Taliyaha ciidanka asluubta jubbaland maxamed caaqib xirsi, ayaa maanta magaalada Kismaayo ka furay kullanka wadatashiga ee lagu diyaarinayo istaraatiijiyadda bahda cadaaladda Soomaaliya.
Kulankan waxaa ka soo qeybgalay, xubno ka socda bahda cadaaladda, jaamacadaha, haweenka, dhalinyarada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada,
Ujeeddada kullanka ayaa ah in la helo aragtiyo ku aaddan horumarinta nidaamka cadaaladda, si istaraatiijiyadda cusub ay uga tarjumto baahiyaha iyo talooyinka bulshada, lana hubiyo in nidaamka cadaaladda uu noqdo mid hufan oo loo wada dhan yahay.