Kooxda wiilasha Dowlada hoose oo ku guulaysatey koobka Kubada koleyga degmada Kismaayo

65

Kooxda wiilasha ee kubada koleyga dowlada hoose ee dagmada kismaayo ayaa ku guulaysatey tartanka kubada koleyga ee kismaayo kadib markii ay dhigeeda kooxda boliiska ee heegan kaga bideen farqi goolal 51-36

Hodan oo kamid ahayd taageerayaasha kooxda Dowlada Hoose ayaa sheegtey inay ku faraxsan tahay in kooxda dowlada hoose ay ku guulaysato tartanka kubada koleyga sidookale ay jeceshahay daawashada kubada koleyga marka loo barbardhigo kubada cagta .

Kabtanka kooxda kubada koleyga ee dowlda hoose Maxamed Cabdi Faarax oo ka hadlay dareenkooda ku aadan ku guulaysiga koobkan ayaa sheegay inay si wayn ugu faraxsan yihiin guusha ay gaareen

Dhanka kale Cabdi Qaadir Maxamed Xuseen kabtanka kooxda Boliiska ee heegan  oo ah naadiga laga qaadey koobka ayaa sheegay in garoonka ay usoo galeen guul ama guul daro kuna faraxsan yihiin inay halkaan soo gaaraan .

Waa markii ugu horeysay oo la qabto tartan kubada koleyga ah oo wiilsha ay ciyaaraan degmada kismaayo taniyo burburkii dowlada dhexe ee dalka marka laga reebo gabdhaha oo iyaga marwilba ciyaara tartamada kubad koleyga .