Ku simaha taliyaha Booliska ahna Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubada Hoose oo kullan la qaatay saraakiil ka socotay howlgalka cusub ee (AUSSOM)

0
827

Ku-simaha Taliyaha Booliska ahna Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubada Hoose, Kornayl Sadiiq Maxamuud Dhogor ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Howgalka Teegerada iyo Xasilinta Soomaaliya ee Midowga Afrika (AUSSOM), Hillary Sao Kanu iyo saraakiil sar sare oo la socotay, kuwaas oo booqasho ku yimid Magaalada Kismaayo.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin hannaanka kala-guurka AUSSOM, tababarka ciidanka Booliiska Jubaland , la dagaalanka kooxda Argagixisada ee AS iyo arrimo kale oo Muhiim u ah Amniga Deegaanada Jubaland.