Wasiirka W.Kalluumeysiga Jubbaland iyo wafdi uu hogaaminayay oo Kormeeray qaar kamid ah Xafiisyada Wasaaraddu ku leedahay Kismaayo

132
Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluuga ah ee dowladda jubbaland mudane Axmed Xasan Cumar iyo Wakiilka Hey’ada Cunada iyo beeraha Qarmada midoobeey u qaabisalan Soomaaliya, Mr. Étienne Philips ayaa si wadajir ah u Kormeeray Xafiisyada Wasaaraddu ku leedahay xaafada Calanleey, iyo Suuqa Kalluunka ee Kismaayo.
Wafdiga uu wasiirka ee kormeerka sameyay ayaa waxaa goobaha ay booqdeen kusoo dhaweeyay dumar loo tababaray Sida Kaluunka Looga sameeyo Cunooyinka fudud sida, Roodhiga, Baastada iyo Buskudka,
Dumarka ayaa bandhigay Xirfadihii la baray oo ay bartay Wasaaradda Kalluumeysiga oo kaashaneysa He’yada
FAO.
intaa Kadib Wadftiga oo uu horkacayey Wasiirka Wasaarada ayaa waxaa ay Gaareen Suuqa Kalluunka Halkaas oo ay dhawaan Hey’ada FAO Gaarsiisay Soolaro iyo Qalabkooda oo dhameystiran kuwaas oo Loogu talagalay in ay Dhanka Korontada ka kaabto Kawaanka sidoo kalena ay u isticmaalaan Qaboojiyeyaasha Kaluunka lagu keydiyo.
Madaxa Hey’ada FAO Mr. Étienne Philips ayaa Bogaadiyey, Bandhiga dumarka ay sameeyeen Waxaana uu Wasaaradda ku amaanay sida wacan ee bulshadda gaar ahaan Dumarka looga Fa’ideeyey Xirfadaha kala duwan oo ay ka mid yihiin sida Kaluunka Cunto fudud looga sameeyo.