Dhageyso: Gabdho loosoo xirey kicin bulsho

183

Booliska Jubaland, gaar ahaan Taliska qaybta Booliska gobolka Jubbada hoose ayaa soo Xidhay 12 dumar ah, kuwaas oo ku eedaysan kicin bulsho iyo abaabul dagaal oo ay ka sameeyeen baraha bulshada ,iyadoona  la horgeeyay Maxkamada degmada Kismaayo.

Hogaanka tababarada iyo qorsheynta ee Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose Kabtan Shukri Faarax Ducaale oo faah-faahin kabixiyey gabdhahan lasoo xiray, kuwaas loo haysto abaabulida dagaal qabiil oo dhinaca baraha bulshada ah ayaa sheegay in gabdhahani ay maxkamadeen mari doonaan maadaama ay ka qayb qaateen waxyaabo rabshado ka dhex abuuri kara bulshada walaalaha ah.