Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Dowladda Jubbaland ayaa manta magaalada Kismaayo ku qabatay Shirka Wadatashiga xal u helidda dabka ka dhasha kaalmaha shidaalka kaas oo looga dooday sida ugu fudud ee lagu maareyn karo laguna dhaqan galin karo nidaamka yareynta musiibada dabka ka dhasha shidaalka iyo tamrta.
Shirkan waxaa kaso qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Gudigga Golaha Wakiilada u qaabilsan Arimaha Batroolka, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka, Gudoomiye kuxigeenka gobolka Jubada hoose, Gudoomiye kuxigeenka Arimaha bulshada ee degmada Kismaayo, Gudoomiye kuxigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha iyo xubno kasocday Ganacsatada magaalada Kismaayo keena shidaalka iyo marti sharaf kale.