Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dawladda Jubbaland oo maanta magaalada Kismaayo ku qabatay kulanka billaha ah

107
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dawladda Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qabatay kulanka billaha ah, oo ah mid bishiiba mar la iskaga xogwaraysto arimaha bini’aadanimo ee kasoo cusboonaada deeganada Jubbaland.
Kulankan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Agaasimayaasha Wasaaradaha Kaluumaysiga iyo Biyaha, sido kale waxaa goob joog ahaa gudoomiye kuxigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Jubbaland.
Kulanka ayaa intuu socday looga hadlay xaalado bini’aadanimo oo kaso cusboonaaday qaar kamida deegaanada Jubbaland iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa deegaanadaasi.