NISA oo soo bandhigtay Fanaan sheegtay in uu ka tirsan yahay Shabaab

1018

Hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka dowladda federaalka ee NISA ayaa barteeda twitterka ku baahisay muuqal Fanaan Somaliyeed oo 7 sanno ka tirsan ururka Alshabaab.

Abshir ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo baxayay in la xiray ka dib markii lagu tuhmay in uu ka tirsan yahay Al Shabaab.

Magacaaygu waa Abshir Gaarane Axmed, waxaan ka tirsan kooxda fanka Gobalka Banadir. Ururka Alshabaab waxaan ku biiray 2013kii, waxaan u un qaabilsanaa argagaxisada AlShaabab dabagalka xogta & Maaliyadda” ayuu yiri Fanaan Gaarane