Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha dowladda Jubbaland Mudane Sarreeye gaas, Yusuf Xuseen Cismaan Dhumaal ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen Ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo Xoogga dalka oo iskaashanaya uu ahaa mid aad u qorsheysan, isagoo tilmaamay in ay ka faa’iideysteen xogo ay heleen, khibrad la’aanta cadowga iyo carruurta ay soo qafaaleen oo aan u diyaarsanayd dagaal,
Wasiir Dhuumaal ayaa sheegay in howlgalladu ay yihiin kuwo joogto ah, kuwaas oo uu sheegay in aysan joogsanayn illaa khawaarijta dalka oo dhan laga sifeeyo.
Janaraal Dhuumaal oo la hadlayay warbaahinta ayaa intaa ku daray in Khawaarijtu ay kala yihiin qandaraaslayaal ka macaasha mashruuca dhiig daadinta umadda Soomaaliyeed, qaar dhaqaale xumo haysa oo boobka shacabka ku nool iyo kuwo kula jooga cabsi iyo caga juglayn kaga timaadda horjoogayaashooda,
wuxuna xusay in ay duulaamada naf lacaariga ah u adeegsadaan carruur yaryar ah oo lasoo qasbay lagana kala keenay daafaha dalka goobaha yar ee ay kaga dhuumaaleysanayaan.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha dowladda Jubbaland Sarreeye gaas Yusuf Xuseen Cismaan Dhumaal ayaa sheegay in sheegay in dhallinyarada yaryar ee lasoo qasbay aysan dilin haddii ay Ciidamadu ku qabtaan bed qab ama dhaawac, wuxuuna xusay in ay ku jiraan kuwo badan oo la qalday dibna looga faa’iideystay markii cafis loo fidiyay ama ay siyaabo kale kusoo galeen gacanta Ciidamada.