Ciidamada Daraawiishta Dowladda Jubbaland oo cagta mariyay fariisimo ay khawaarijtu lahayd

178
Ciidamada Daraawiishta Dowladda Jubbaland gaar ahaana Guutada Birjeex ee ku sugan deegaanka Buulo-Xaaji iyo deegaanada hoos yimaada ayaa saaka cagta mariyay fariisimo Argagixisadu ku lahaayeen dhulka howdka ah ee dhaca galbeedka deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubada hoose.
Howlgalka oo khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka xagjiriinta ah ayaa ahaa mid qorsheysan waxaana jira tiro kamida khawaarijta oo la dilay intii uu howlgalka socday, geesiyaashu waxa ay burburiyeen goobo ay gabaad ka dhiganayeen Argagixisada islamarkaana ay damacsanaayeen in ay ku baadaan dadka rayidka ah ee hadda dareemaya muhiimadda Dowladnimada.
Sida aan xogta ku helnay maleeshiyaadka Argagixisada looga dilay howlgalka waxaa ku jiray mid kamida Horjoogayaashi halkaasi ku dhuumalaysanayay kaas oo qorsheenayay in jabhaddan dhiigyacabka ah uu ku dhibaateeyo dadka Soomaaliyeed ee xoolo dhaqatada ah balse waxa helay rag u dhaartay difaaca dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeedba.
Maalmahan ma ahan maalmo u qurxoon Argagixisada dhuumalaysiga ku joogta deegaano ka tirsan gobolka Jubada hoose waxa ayna la kulmayeen jab xanuun iyo uur ku taalo ku noqday Horjoogayaasha Argagixisada ee gabaadka ka dhigtay godadka u qodan sidii qabriyada cabsi ay qabaan darteed.