Waa sidee xaalada guud deegaanadii shalay ay ciidanka geesiyada Jubbaland ka xoreeyeen khawaarijta

57
Saaka waxaa si caadi ha kusoo laabtay isu socodka qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanadii shalay laga xoreeyay sharwadayaasha Argagixisada sida deegaanada kala ah Weelmaro, Lagta Qumbi, Golhadamo, Biibi, Harboole iyo Miido iyadoo Ciidamadu wali ku dabo jiraan firxadka Argagixisada ee ku dhuumalaysanaya deegaano dhaca xadka gobolada Jubooyinka.
Saraakiisha hogaaminaysa howlgalka dib u xoreynta ah oo goor sii horeysay bulshada deegaanadaasi goob fagaare ah kula hadlay ayaa bulshada ka codsaday in ay is dajiyaan islamarkaana aysan dareemin wax cabsi ah, lana shaqeeyaan geesiyaasha dadaalka badan ku bixinaya sidii deegaanada kalana looga xorayn lahaa Argagixisada.
Dhanka kale deegaanada Joore ayaa iyaguna saaka dagan ka gadaal markii shalay cashir lama ilaawaan ah loogu dhigay maleeshiyaadka Argagixisada oo damacsanaa in ay halkaasi  gabaad ka dhigtaan.