Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa maanta dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo la xiriira xasilinta ay hirgalinayso Dowlada Jubbaland

194
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaraalka iyo dib u hishiisiinta Jubbaland mudane Maxamed Ibraahim Ogle oo ay weheliyaan Taliye kuxigeenka qaybta Booliiska gobolka Jubbada hoose iyo masuuliyiin kale ayaa maanta dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo la xiriira xasilinta ay hirgalinayso Dowlada Jubbaland oo ay wakiil ka tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland.
Masiiriicda horumarineed ayaana laga hirgalinayaa deegaanada Yoontooy, Buula Bartire, Qaam-Qaam, Janaa Cabdalle iyo Buulagaduud waxaana kamid ah dhismaha Saldhig Booliis, dayactir Ceelasha biyaha iyo hirgalinta leyrarka cadceeda ku shaqeeya iyo mashaariic kale oo horumarineed oo muhiim ah.
Maxamed Ibraahim Ogle Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa sheegay in mashaaricdan sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabi doono fulintooda ayna Bulshada si wanaagsan uga faa’ideestaan.