Degmada Doloow oo lagu qabtey kullan looga hadlayay amniga degmada

234
Gudoomiyaha degmada Doloow Maxamed Xuseen Cabdi ayaa kulan balaraan oo sare loogu qaadayey nabadgalyada iyo amniga la qaatey waxgaradka ku nool degaanada Baay ee ku teedsan jiinka wabiga Juba.
Kulanka oo ay ka qeyb galeen Madaxa arrimaha Bulshada Cabdifitaax Ismaciil Xuseen, Madaxa Mashariicda iyo xiriirka Hay’adaha Cabdiqani Xasan Uumiye ayaa diirada lagu saaray ahmiyada ay leedahay nabada ka jirta degaanada Bay ee hoos yimaada degmada Doloow.
Waxgaradka ayaa dhankooda uga warbixiyey xaalada nabadgalyo ee degaanadaasi iyo sida ay qayb muhiim ah uga qaataan islamarkaana ay jiraan baahiya gaar ah oo ay qabaan bulshada si wax looga qabto, madaamada ay laheyn buundo looga gudbo dadkaasi doomaha la isticmaalo ay go,aan xiliyada fatahaadaha ay dhacaan ayna adag tahay in meelaha qaarkood la gaaro waqtiyo kooban.
Gudoomiyaha ayaa Waxgaradka uga mahad celiyey sida ay uga qeyb qaataan xalinta tabashooyinka bulshada dhaxdeeda ah, baahiyaha gaarka ah ee degaanka ka jirana wax laga qabanayo, si wadajir ah looga shaqeeyo