Wasaaradda Caafimaadka Dawlada Jubbaland oo qayb cusub kusoo kordhisey Isbitaalka guud ee degmada Dhoobley

33
Wasiirka Wasarada Caafimadka Dawlada Jubbaland Eng Ismaciil Axmed Garas ayaa daah-furay dhisme cusub oo uu yeelanayo Isbitaalka guud ee degmada Dhoobley.
Dhismahan cusub ee laga daah-furay Isbitaalka ayaa noqon doona mid lagu samata bixiyo Hooyada iyo Dhalaanka iyo qaybta Saalada oo baahi weyn loo qabay.
Mashruuca dhismaha cusub ayaa waxaa si wada jir ah isaga kaashaday Wasaaradda Caafimadka Dawlada Jubaland iyo Hay’adda Save the Children oo ah hay’adda gacanta ku haysa Isbitaalka guud ee degmada Dhoobley
.