
Dowladda Jubbaland ayaa deeq raashin ah oo isugu jirta dhowr nooc gaarsiisay dadka danyarta ah eek u dhaqan deegaan Xeebeedka Buurgaabo ee hoos tagta degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada hoose.
Maamulka Buurgaabo oo kaashanaya Saraakiisha Hay’adaha amaanka ayaa suurtagaliyay in si nabdoon deeqda raashinka loogu qeybiyo dadkii loogu talagalay ee ay markii hore Dowladda u qorsheysay in la caawiyo.




