Maxay tahay guusha Taariikhiga ah ee ay maanta dhowrayso Somaaliya

0
455

Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Khamiis cod u qaadi doono ku biirista Soomaaliya ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa la filayaa in xubin aan joogta ahayn ay ka noqoto golaha, haddii ay dhacdo codeynta oo la qaadayo maanta oo ah 6-da bisha June.

Dowladda federaalka ayaa dadaal badan gelisay kursigan iyo sidii ay ku heli lahayd, waxaana isha lagu wada hayaa guusha taariikhiga ah ee ay maanta gaareyso Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa New York oo ah halka ay ka dhaceyso codeynta ku sugan wafdi ka socda dowladda federaalka, waxaana hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi oo goobjoog noqon doono kulankaasi.

Soomaaliya ayaa kursigan ku fadhiisan doonto labada sano ee soo socoto oo ka bilaabaneysa 2025, sida uu dhigayo xeerka u yaalla QM.