
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xildhibaan Abdirahman Abdishakur Warsame u magacaabay ergayga gaarka ah ee arrimaha abaaraha Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Cabdiraxmaan in uu mutawaxnimo uu shaqaddaan u qaban doono, maadaama uu yahay Xildhibaan ka tirsan Golaha.
Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Party wuxuu kamid ahaa musharaxiinta madaxtinimadda doorashaddii dhacdey 15-kii May.
Qaybo kamid ah Soomaaliya waxaa haatan ka jira abaaro saameeyay dad iyo duunyo.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







