202
Shir ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubaland oo kaashaneysa Hay’adaha sida dhow ula shaqeeya ayaa ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Jubaland.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubaland, mudane Aadan Faarax Gaarane oo furay shirka ayaa ku dhiirrigeliyey Hay’adaha samafalka, wuxuuna u sheegay in la taagan yahay heerkii ugu wanaagsanaa uguna habboonaa ee la taageeri lahaa horumarinta iyo xoojinta howlgalka Wasaaradda.