Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Jubaland, mudane Maxamuud Sayid Aaden oo ku sugan degmada Ceelwaq ee gobalka Gedo ayaa maanta booqday ciidan cusub oo dhawaan tababar loosoo xiray, kuwaas oo loo diyaariyay inay ka qeyb qaataan, sugidda Amniga iyo howl-gallada ka dhanka Argagaxisada.
Madaxweyne ku xigeenka oo lahadlay ciidanka cusub ee daraawiishta Jubaland, ayaa kula dardaarmay inay udiyaar garoobaan, howlagalada lagula dagaalamaya kooxda khawaarijta ah, isagoo sheegay inay la garab taagan yihiin waxkasta oo ay ubaahan yihiin.
Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Jubaland iyo wafdigiisa oo maalmahan howla shaqo ujoogo degmada Ceelwaq ee gobalka Gedo ayaa wado dadaalo balaaran oo dib loogu habeynayo Ceelwaq, sida Amniga, maamulka iyo guud ahaan howlaha hortabinta uleh bulshada ku nool degmada Ceelwaq iyo Deeggaanada hoos yimaada.