Madaxweynaha Dowladda Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam oo xarunta SoDMA booqdey.

187
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa booqasho howleed u jeedkeedu yahay ogaanshaha xogaha bani’aadannimo ee dalka ka jira ku tagay xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, halkaa oo uu ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Hay’adda SODMA Maxamuud Macallin Cabdulle.
Madaxweynaha ayaa lala wadaagay warbixin guud oo la xiriirta howlaha iyo waajibaadka hay’adda, saameynta taban ee is-beddelka cimiladu ku leedahay dalkeenna, cabsida laga qabo duufaanta Laly oo sare u sii kacaysa iyo dadaallada gargaar ee ay SoDMA ka waddo dalka, gaar ahaan deegaanada Jubabaland.
Madaxweynaha dowladda Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa masuuliyiinta iyo Howlwadeenada hay’adda kula dardaarmay in ay dadaalkooda diyaar garowga iyo kan gurmadkaba ay labajibbaaraan, bulshadana wixii karaankooda ah ay la gaaraan, isagoona xusay in ay Jubbaland sida ugu wanaagsan ula shaqeyn doonto kana caawin doonto wixii dhankeeda ku xiran.