Faah-faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay Jiinga Wabiga Jubba ka wadeen Ciidamada Kala duwan Jubbaland gaar ahaan Guutada Gurmad Qaran iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ee kumaandooska Danab ayaa khawaariijta ugu daatay godod ay ku dhuumaalaysanayeen, kadib hawlgallo aan kala joogsi lahayn oo ay ciidamadu maalmihii u dambeeyey ka samaynayeen deegaanno dhaca jiinka wabiga Jubba, gaar ahaan tuulooyinka ku teedsan degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose.
Howlgalkan ayaa waxaa khawaariijta lagu dilay in Ka badan 50 dhagar qabe halka intaas in Ka badana lagu dhaawacay waxaa kaloo howlgalkan lagu qabtay tiro maxaabiis ah. Waxayna ciidamadu fashiliyan tiro minoyin
Sidookale waxaa Khawaarijta howlgalka looga dilay horjoogayaal muhiim u ahaa argagixisada, waxaana ka mid ah, Horjooge Caana-Nuug, Sheeq Nuur oo khawaarijta u qaabilsanaa miinada iyo Horjoogaha kale ee lagu magacaabo Sheeq Xuseen, wayna dhammaantood khawaarijta u qaabilsanaayeen dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.