Wasaaradda howlaha guud, dib u dhiska iyo guryeynta Jubbaland oo digniin kasoo saartey arimaha dhulalka

325

Wasaaradda howlaha guud, dib u dhiska iyo guryeynta Dowladda Jubbaland ayaa digniin u dirtay dadka loo fasaxay sharciyeynta dhulka ee GPS-ka geliyey balse aan dhamaystirin sharciyeyntiisa iyo dadka leh dhulka bannaan ee aan weli bilaabin sharciyeynta, waxayna fartay inay howshaasi ku dhammaystiraan 90-ka maalmood ee soo socota.

Sidoo kale wasaaradda ayaa muddo 45 maalmood ah u qabatay dadka la siiyay sharciga maalgashi iyo inay ku fuliyaan howashii laga sugayay haddii ay mudadaas ku fulin waayaanna ay dowladdu kala noqon doonto dhulkii la siiyay.

Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka wasaaradda howlaha guud ee Jubbaland mudane Cabdiwahaab Axmed Cusmaan ayaa sidaas lagu sheegay.