Nin Ajanabi ah oo laga soo furtey Khawaarijta deegaanada hoosyimadaa degmada Baladxaawo

87

 

Ciidamada Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka iyo ciidamada booliiska Somaaliyeed oo iskaashanaya ayaa hawalgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaanada hoosyimadaa degmada Baladxaawo sida Najax, Abdi Ducaale iyo deegaano kale ayaa Khawaarijta kaga soo furtay muwaadin u dhashay qowmiyada Oromada oo ay halkaasi nabadiidka ku heysteen kuna dhibaateynayeen.
Muwaadinkan oo u jeebeysnaa Argagixisada Jirdil xoogana uu ka muuqdo ayaa markii ay maqleen in ciidanka Qaranka Soomaliyeed ay ku soo socdan iskaga firxaday goobta, Ciiidanka qaranka ayana si nabad ah u soo badbaadiyay muwaadinkan waxaana hada lala tacaalayaaa xaaladiisa caafimaad.